Xarumaha fursaddeed ee waxbarashada TRiO
![]() |
Xarumaha fursadda waxbarasho ee TRiO waxaad ka heleysaa xog ku saabsan sidda loo helo gargaar dhaqaale,iyo sidda loo buuxiyo waraaqaha ama araajida lagu codsado gargaarka. Waxa siddoo kale caawiyaan siddii uu jaamacad ay u heli lahaayeen dadka uu dhaqaalahoodu hooseeyo oo ah jiilka kowaad ee waliba qaangaadhka ah. Dadkii hore uga tirsanaan jirey ciidamada, dadka barakacey ama meeshii ay daganaayeen ka qaxey. Iyo waliba dadka shaqala'aantu heyso, soo galootiga cusub ,iyo kuwa dugsiga wadi kari waayey ee kunool magaalooyinka oo mudan in la siiyo mudnaanta. |
Xarumahan oo ku yaala wadanka oo dhan waxay u adeegaan dadka meel la'aantu heyso ama aan shaqo fiican heysan, kuwa ciidamada ka tirsanaan jirey, soo galootiga cusub, iyo dadyowga kale ee ka soo jeeda qoysaska uu dhaqaalahoodu ka hooseeyo $ 24000 dollar sanadkii. Xarumahan waxay ka caawiyaan dadka qaangaadhka ah siddii ay u dooran lahaayeen iskuulkii ay doonan, wixii ay baran lahaayeen, iyo siddii ay u heli lahaayeen gargaar dhaqaale. Waxa iminka ahaan jira 138 xarumood oo noocan ah oo ku kala yaala daafaha mareykanka, waxayna u adeegaan dad gaadhaya 210,000 qof .(source:www.coenet.us). ) Fadlan riix magacyada hoos ku qoran si aad wax uga ogaato barnaamijyada ama mashaariicda EOC ee minnisota ka jira.
Minneapolis Community and Technical College Educational Opportunity Center


